Waa 13 warqadood, waxaana la yidhaahdaa
Rooma,
1 Korintos &
2 Korintos,
Galatiya,
Efesos,
Filiboy,
Kolosay,
1
Tesaloniika &
2 Tesaloniika,
1 Timoteyos
&
2 Timoteyos,
Tiitos, iyo
Filemon. Intaba isaga ayaa Ilaah u adeegsaday si uu u qoro, wuuna qoray
isaga oo Ilaahay hoggaankiisa ku qoray. Rasuul Bawlos meelo badan ayuu kiniisado
ka sameeyey. Ciise Masiix wuxuu si xoog leh u adeegsaday Bawlos, wuxuuna wacdiyay
akhbaarta wanaagsan taas oo Boqortooyada Masiixa midho badan u dhalisay, dad badan
ayaana Masiixa u yimid oo isku dhiibay wacdiga Bowlos aawadiis, xataa Yurub dhexdeeda
dad badan ayaa Masiixiyoobay. Hase ahaatee, Bawlos meel keliya waqti dheer ma joogi
karin, sidaas darteed wuxuu kiniisadaha u magacaabi jiray waayeelo ama hoggaamiyayaal
(Tiitos 1:5). Kiniisadahaas cusubi waxay mar kasta u baahnaayeen waxbarid, waana
taas waxa Ciise Masiix u soo marin jiray Bawlos ee soo gaadhi jiray ururada kiniisadaha
iyagoo waraaqo ku xardhan, Wuxuu u digey kuwo ay dhici kartay inay qalloocshaan
Injiilka runtiisa, sida ku xusan Galatiya 1:6-10. Ujeeddada waraaqahaasu waxay kala
ahaayeen inuu dhiirrigaliyo kiniisadaha aad na u baro runta injiilka. Warqadaha
loo qoray kiniisadii Tesaloniika ku taalay ayaa qoraal ahaan ugu horeeyay, kuwaas
oo la qoray A.D.51kii. Bawlos warqaddiisa 2aad wuxuu Timoteyos u qoray wax yar ka
hor intaan Bawlos dhiman. Isu geyn, Bawlos warqadihii uu qorey waxay ku qaadatay
17-18 sannadood. Marka laga hadlayo sida waraaqaha Bawlos Kitaabka Qoduuska ah ugu
qoran yihiin, waxaa ugu horreeyey kuwa kiniisadaha qaarkood loo qoray, iyo kuwo
afar ah oo loo qoray shakhsiyaad: labadii Timoteyos, Tiitos, iyo Filemon.
Warqadaha kiniisadaha loo qoray waxaa lagu aadiyey meelaha kala ah: Rooma, Korintos,
Galatiya, Efesos, Filiboy, Kolosay, iyo Tesaloniika. Warqadahaas oo dhan isku mawduuc
ayaa ku qoran, kaas oo lagu soo koobi karo hadalkii uu yiri Bawlos. Warqaddii Rasuul
Bawlos u qoray dadkii Rooma 1:16,17: "Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa
yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda
dabadeedna Griigta. Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad
ka timaadda, rumaysadna u socota, sida qoran, kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan
doonaa."
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved