Shanta kitaab ee ugu horaysa Baybalka waxaa la yiraahdo Tawreedda:
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Bilowgii
Waa inaad akhrido Bilowgii, kitaabkaas Ilaah wuxuu ku muujiyey inuu isagu yahay
abuuraha wax kasta oo jira. Taasina waxay burinaysaa, caabudidda sanamyada, dadka,
xoolaha ama awoodaha dabiicigaa. Wax kasta oo aan arki karno oo dadku ka mid yahay,
Ilaah ayaa wuxuu u abuuratay ammaantiisa. Sidaas awgeed waa inaan Ilaah keliya u
adeegno. Laakiin Xaawa iyo Aadan waxay noqdeen waxaan aammin lahayn oo caasi ah.
Markii dadku dambi galaanba Ilaah waa ciqaabay, isla markaasna Ilaah wuxuu dadka
u muujinayey naxariistiisa iyo jacaylkiisa waxaanu ka ballanqaadayey badbaadshe.
Ballanqaadkaas isagaa wuxuu sheegay, halganka ka dhex dhici doona Shayddaanka iyo
farcankii naagta, iyo kuwa Shayddaan raaca iyo kuwa Ilaah u adeega. Ballanqaadkii
u muuqan ma hayo mid faa'iido leh ilaa naloo sheegay in Masiixu imaanayo si uu u
Shayddaanka uga raayo. Ballanqaadkaas kitaabka Bilowgii ku qoran, ayaa wuxuu asaas
u noqday Injiilka badbaadada. Hase ahaatee, ballanqaadkaasu wuxuu noqon lahaa waxaan
waxba ku ool haddii aan Ilaah ka soo dhalaalin mas'uuliyaddiisa ballanqaadka. Waase
khayr, Ilaah ballanqaadkiisa waa fuliyaa. Kitaabka Bilowgii ayaa arrimahaasu ku
qoran yihiin. Ilaah wuxuu badbaadshey nebi Nuux, afafkii dadka qasan wuxuu ka riday
meeshii Baabel, wuxuu idmay dhalashadii Ibraahin, Isxaaq iyo Yacquub, intaas oo
dhan oo ujeeddadoodu ahayd inuu ballanqaadkiisii badbaadada fuliyo.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Baxniintii
Qaranka weyn oo reer banii-Israa'iil way koreen inkastoo Fircoonkii reer Masar ku
dadaalay inuu burburiyo iyaga. Ilaah wuxuu u diray nebi Muuse inuu ka kaxeeyey reer
banii-Israa'iil waddanka Masar, wuxuuna heshiis kula galay iyaga buurta Siinay.
Caabudiddii laga samayn jirey taambuuggii reer banii-Israa'iil iyo allabbarigii
xoolaha, waxay calaamad u ahaayeen bixiyaha iyo kafaaraggudka mustaqbalka Ciise
Masiix keenayey.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Laawiyiintii
Laawi wuxuu ahaa labo iyo tobankii wiil oo Yacquub midkood. Faraciisii waxaa masuuliyad
looga dhigay inay xannaaneeyaan macbudka, iyo inay wadaan adeegga caabudidda reer
banii-Israa'iil. Waxay u go'naayeen adeegga Ilaah, iyo inay dadka baraan qawlka
Eebbe. Kitaabka Laawiyiinta waxaa khaas ahaan ku qoran qaynuunno ku saabsan sida
Ilaah doonayey in loo caabudo.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Tirintii
Kitaabkan waxaa ku qoran diiwaankii labo jeer oo la tiriyey reer banii-Israa'iil.
Waxaase kaloo kitaabkan ku qoran sida cajiibka leh oo Ilaah u is raacay qarankaas
markay ka baxeen Masar; inkastoo reer banii-Israa'iil Ilaah ku caasiyoobeen. Kitaabku
wuxuu ku dhammaadaa reer banii-Israa'iil oo galaya dhulkii laga ballanqaaday.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Sharciga Kunoqoshadiisa
Kitaabkan waxaa jira khudbaddii sagootiska ee nebi Muuse, Badbaadadaas Muuse wuxuu
ku soo ceshay sharciga Ilaah dadkana mar kale ayuu u micneeyey. Kitaabkan waxaa
ka buuxa Ilaah awooddiisa iyo sida uusan u dayrin dadkiisa. Kitaabku wuxuu maragfur
weyn u yahay jacaylka Ilaah dadkiisa u qabo, Muusana wuxuu dadka u sheegay inay
Ilaah aamminaan.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved