Qaybta weyn oo Axdigii Hore waa kutubta waxyiga.
Ujeeddada kutubta waxyigu waxaa weeye inay tilmaamaan imaanshihii Ciise Masiix.
Nebiyada waxay uga digaan dadka reer banii-Israa'iil dembiyaasha aammin la'aanta
iyo jecel la'aanta.
Amarka Ilaah iyagoo raacaya, waxay nebiyadu dadka ku booriyaan inay dhageystaan
waxa Eebbe u sheegayo, nebiyadu waxay dadka u sheegaan in la ciqaabi doono haddii
erayga Ilaah ay liidaan ama diidaan inay ka soo rujuucaan dembigooda.
Midda kale nebiyadu waxay faafiyaan imaanshaha Badbaadiyaha. Intaan Ciise Masiix
imaan ka hor waxay sheegeen in Sayidku xanuunsan doono, carshiga boqorkii Daa'uud
ku fariisan lahaa imaan doono
Saddexdii nebi oo ugu dambeeyey, Xaggay, Sekaryaah, iyo Malaakii, waxay waxyoon
jireen waqtigii Yahuudah maxbuuska loo kaxaystay ka bacdi. Saddexdaas nebi ka bacdina,
waxyigii waa joogsaday intii 300 oo sannadood ahayd.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved