Nebi Nuux wuxuu dunida ku noolaa boqollaal sano oo Qaabiil iyo Haabiil
ka dambaysay. Sanooyinkaas kumaankun dad ah ayaa dunida ku dhashay. Dadkii dhulka
degganaa waxay bilaabeen inay ka leexdaan Ilaaha runta ah. Markii Nuux dhashay dunida
xaalkeedu aad iyo aad buu u xumaa. Dadkuna waxay isku bilaabeen nooca dembi ugu
xun.
"Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta
oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
- Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 6: 5
"Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd
oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka. Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yiri, Intii jidh
leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaaray; waayo, dhulkii waxaa
ka buuxsamay dulmi iyaga xaggooda ka yimid, oo bal eeg, Iyagaan dhulka la baabi'in
doonaa."
- Bilowgii 6: 12-13
Markaasaa Ilaah wuxuu nebi Nuux ku yiri, "Waxaad dhistaa doonni weyn". Taasu waxay
ahayd wax Ilaah siiyey nebi Nuux iyo qoyskiisu inay kaga baxsadaan xukunka xun oo
dhulka ku soo socotay. Intuu doonnida dhisayey, dadkii wuu wacdinayey. Wuxuuna dadkii
uga digay xukunkii ka imaanayey Ilaah, oo wuxuu u sheegay in Ilaah xaqaanni yahay
oo uu iyaga dembigooda daraaddiis uu wada baabi'in doono. Wuxuu u sheegay inay toobadkeenaan
oo ay Ilaah u soo noqdaan, oo ay dembigooda iska daayaan si uu Ilaah iyaga ugu naxariisto.
Maalintii labaadna Ilaah wuxuu kala qaybiyey biyihii, oo wuxuu ka dhigay in samooyinka
muuqdaan. Laakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan wacdigiisii iyo digniintiisii.
Way ku majaajiloon jireen, oo way ku qosli jireen. Waxaa la soo gaaray waqtigii
nebi Nuux doonnidii dhammaystiray, oo markaasaa:
"Rabbigu wuxuu Nuux ku yiri, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo,
waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda."
- Bilowgii 7:1
Ilaah ma uu rabin inuu wada baabi'iyo xayawaanka oo dhan iyo shimbirahaba. Haddaba,
si uu qaarkood u samatabbixiyo aawadeeed, Ilaah wuxuu nebi Nuux ku amray inuu doonnida
soo geliyo mid lab iyo mid dheddig oo ka kooban bahal kasta iyo haad kasta. Haddaba
dad waxaa doonnidii ka galay nebi Nuux iyo xaaskiisii iyo saddexdiisii wiil iyo
wiilashiisa xaasaskoodii. Markaasaa Ilaah albaabkii xiray. Nebi Nuux iyo qoyskiisii
iyo xayawaankiiba doonnida gudaheeda ayay ku jireen. Intii nebi Nuux farriintiisii
diiddanayd dibadday joogeen.
Maalintii xukunka Ilaah way bilaabatay, roob baa samada ka soo shubmay oo dhulkii
oo dhan daad baa qaaday. Dadkii waxay u carareen buuraha, laakiinse:
"Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada
oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare
xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen."
- Bilowgii 7:19-20
Bal Ilaah muxuu dadka waxaa ugu sameeyey? Dembigooda aawadiis ayay u hafteen. Kuwii
doonnida galay oo keliya ayaa laga badbaadiyey daadkii dhimashada Ilaah u soo diray
dhulka. Nuux iyo qoyskiisa ayaa doonnidaasi ku badbaaday. Kuwaasi dembaabay oo aan
dhegaysan digniinta Ilaah way halaagmeen.
Xukunkii Eebbe ee ciqaabta ahaa waa roobkii e, wuu ku soo da'ay dadkii oo baaba'shay
iyaga. Xukunkaas Eebbe ee roobka ahaa wuu soo shubmay oo ku da'ay doonnidii laakiin
dadkii saarnaa waa nabadgaleen. Doonnidii xukunkii ciqaabta ahaa ee Eebbe baa waxyeeleeyey,
laakiin dadkii saarnaa waxba ma gaarin.
Ilaah waa inuu ciqaabaa kuwa isaga ku dembaaba oo dhammi. Dadka oo dhammu waa dembiilayaal
oo waxay ku dembaabeen Ilaah. Maxaa yeelay, waad dembaabtay, waxaad ku silci doontaa
xukunka Eebbe, haddii aadan sidii nebi Nuux oo kale, aadan lahayn meel aad ku magangasho.
Ilaah wuxuu kuu diyaariyey meel aad ku magangasho si aad uga baxsato ciqaabtiisa.
Adigu ma doonaysaa inaad ka badbaaddo xukunka Ilaah?
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved