Ilmaha dunidan ku dhasha kii ugu horreeyey wuxuu ahaa wiil. Waalidkiis
oo ahaa Xaawa iyo Aadan waxay u bixiyeen Qaabiil. Haddana waqti kaddib waxaa u dhashay
wiil kale. Wiilkii labaad waxaa u bixiyeen Haabiil.
Dembi waa cadowgeenna kan u xun. Wuxuu kaa celin doonaa in Ilaah ku aqbalo. Wuxuu
kaa celin doonaa jannada geliddeeda. Wuxuuna kugu ridi doonaa cadaabta. Haddaan
dembigaaga la cafiyin waxaa lagaa fogayn doonaa Ilaah runta ah. Bal yaa dembiyo
cafiyi kara, Ilaaha keliya mooyee? Bal ogow, xagga Ciise Masiix ayaa si aad dembidhaaf
u hesho, kugu wacdiyey cafinta dembiga.
Dembigu gaf oo keliya ma ahan. Dembi dabeecad xumo oo keliya ma aha. Dembi waa gaarid
la'aan aan gaari kari waaynay xaqnimada Eebbe. Haddii aynan wada kaamilin xaqnimada
Ilaah wax alla wixii aan niraahno iyo wixii aan samaynaba waynu ku dembaabnay. Dadka
oo dhammi way wada dembaabeen. Ilaah wuxuu yiri, "Dembi waa sharci darro". Haddii
aynu hal mar oo keliya sharciga Ilaah jebinno waynu dembaabnay. Haddii aan Ilaah
ku caasiyoowno waynu dembaabnay. Waxaynu dembaabnaa markii aynu feker xun ku fekerno,
ama aynu erayo xunxun niraahno, amase aynu samayno waxyaalo aan Ilaah jeclayn.
Nebi Daa'uud wuxuu yiri, "Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa
hooyaday igu uuraysatay dembi." -Sabuurka 51:5 Nebi Daa'uud wuxuu
ahaa dembile. Ilaah wuxuu yiri, "Dhammaan way wada dembaabeen" - Warqaddii
Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 3:23.
Waxaa jira qof qura oo aan weligiis dembaabin. Qofkaasna waa Ciise Masiix. Waxaa
qoran:
-
"in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin."
- Kitaabkii Ishacyaah 53:9
-
"Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno
xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga."
- Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 5:21
-
"Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo
isagu dembi ma leh."
- Warqaddii kowaad oo Yooxanaa 3:5
Sayidka Ciise Masiix mooyaane qof kastaba waa dembile. Tan iyo markii Aadan laga
soo bilaabo iyo ilaa ilmaha yaryar oo haddeer dhashay, banii-aadmiga oo dhammi wuu
wada gaari waayey xaqnimada Rabbiga.
"Mushahaarada dembigu waa dhimashada." - Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii
Rooma 6:23. Aadan daqiiqaddii uu dembaabay ayuu xagga ruuxa ka dhintay.
Ilaah buu ka go'ay. Aadan wuxuu dhaxal u helay dhimasho xagga jirka ah. In kastoo
uusan isla markiiba dhiman, waxaa lagu xukumay inuu aakhirka dhinto. Innaguna sidaas
oo kalaynu nahay. Innaguna dembigeenna awadiis aynu heli doonaa waxaynu galabsanno.
Mushahaaraddeenuna waa dhimasho. Taas micneheedu waxaa weeye inaynu Ilaah ka fogaan
doonno oo aynu dembigeenna aawadiis naarta geli doonno. Waa inaynu helnaa jid wanaagsan
oo aynu naarta kaga baxsanno.
Waxaan dembigayga kaga xoroobi karaa haddaan Ciise Masiix weyddiisto inuu ii noqdo
Badbaadiyahayga iyo Sayidkayga. Sayidkayga Ciise Masiix ayaa dembiyadeennii wuxuu
ku qaaday jirkiisii iskutallaabta saarnaa. Bal aynu waxyaalahan ka fekerno:
Ilaah aad buu Qaabiil uga xumaaday oo waxaa waajib ahayd in la ciqaabo. Kaddibna
Ilaah Qaabiil wuu inkaaray sharkii iyo fidnaddii uu sameeyey awgiis. Qaabiil inkaar
baa ku dhacday intii cimrigiisa ka hartay oo dhan, maxaa yeelay, walaalkiis buu
dilay.
- Kulligeen waxaynu nahay dembiileyaal. "Waayo, dhulka laguma arko nin xaq ah oo
wanaag fala, oo aan dembaabin." - Wacdiyaha :20
- Ilaah waa qoduus oo dembi ma fiirin karo. "Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii
daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid" - Xabaquuq
1:13
- Weligeen Ilaah waannu ka fogaan doonnaa haddii aan dembiyadeenna la cafiyin. Ilaah
wuxuu innagu oran doonaa, "Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow."
- Injiilka sida Matayos u qoray 7:23
- Ciise Masiix wuxuu u dhintay inuu dembiga cafiyo aawadeed. "Waayo, innagoo weli
itaal daran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn."
- Rooma 5:6
- Ilaah wuxuu inoo sheegay in haddii aynu Ciise Masiix u aqbalno sida badbaadiyaheenna
oo kale, uu inoo dembidhaafi doono. "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay, ayuu siiyey.
Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin, laakiinse
uu lahaado nolosha weligeed ah." - Injiilka sida Yooxanaa u qoray 3:16)
Ilaah wuxuu inoo sheegay inuu jiro JID KELIYA uu inagu aqbali karo. Jidkaasuna waa
in la aammino Ciise Masiix. Ma doonaysaa in dembigaaga lagaa cafiyo? Ilaah weyddiiso
inuu ku cafiyo oo u sheeg inaad rumaysanaysid Sayidka Ciise Masiix.
Hadda yeel, Ilaah weyddiiso.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved