Ducadu ama tukashadu waa quwad weyn oo banii-aadmigu uu yaqaan midkood. Duco baynu
kaga adkaan karnaa dhibaatooyinka la moodo inaan laga adkaan karin. Soohdimo adduunka
ka dhexeeya oo aan laga tallaabi karin baa duco kaga gudbi karnaa. Habase ahaatee,
intaynan ducada gelin waa inaynu kaamilnaa waxyaalaha laynaga doonayo.
- Baryadaadu waa in la baryaa kan saxa ah. Ilaahyada dhagaxyada ahu baryo ma maqli
karaan. Ilaahyada qoryaha ahu duco garan mayaan. Ilaah keliya oo baryo maqla oo
ka soo jawaabaa waa Ilaaha nool oo runta ah. Ilaahii Sayidka Ciise Masiix u soo
diray si uu banii-aadmiga aawadiis ugu dhinto, weeye kan ay waajibka kuugu tahay
inaad u tukatid.
- Baryadaadu waa inay daacad ahaataa. Waa inaadan Ilaah weyddiisan inuu aad taajir
kaaga dhigo. Waxaa suurtowda in Ilaah doonin inaad taajir noqotid. Kuwan waa dhawr
baryo ama tukasho oo Ilaah aqbali karo:
- Ilaahow, ii naxariiso, dembile baan ahay.
- Ilaahow, i caawi si aan u garto waxaad damacday naftayda.
- Ilaahow, iga caawi si aan ugu noolaado nolol nadiif ah oo markhaatifur aan kaaga
noqdo dadka xaggaaga.
Ilaah wuxuu maqlaa oo ka soo jawaabaa ducooyin badan oo kale. Wuxuuna doonayaa inaad
dhibaatooyinkaaga u keento. Wuxuu rabaa inuu noloshaada dhan kastaba u hoggaamiyo.
- Baryado waa inay waafaqsanaataa waxa Ilaah rabo. "Oo tanu waa kalsoonaanta aynu
isaga u qabno taasoo ah haddaynu wax un doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa.
"-Warqaddii kowaad oo Yooxanaa 5:14 Ilaah wuu maqlaa, wuuna u jawaabaa
kuwa Sayidka Ciise Masiix aqbalay. Waxaa suurtowda inuusan baryadeenna ka soo jawaabin
markiiba. Waxaa suurtowda oo kale inuusan baryadeenna uga soo jawaabin sida aynu
doonayno. Habase ahaatee Isaga wuu og yahay waxaa inoo wanaagsan oo baryadeennana
wuxuu uga jawaabi doonaa si qumman.
- Waa in lagu ducaystaa magaca Ciise Masiix. Ciise Masiix oo keliya ayaa ah dhexdhexaadiyaha,
Ilaah iyo dadka u dhexeeya. Ciise Masiix qudhiisu wuxuu yiri, "Wax alla waxaad Aabbaha
magacayga ku weyddiistaan, uu idin siiyo."- Injiilka sida Yooxanaa u qoray 15:16
- Ma doonaysaa in ducadaada laga soo jawaabo? Xusuusnow waxaa laga rabo:
- Tan kowaad: Waa inaad baridaa kan saxa ah.
- Tan labaad: Waa inaad baryadaadu daacad ahaataa.
- Tan saddexaad: Waa inaad u ducaysataa siduu Ilaah raalli ka yahay.
- Tan afraad: Waa inaad ku ducaysataa magaca Ciise Masiix.
Camalka suubban waa lagamamaarmaan, in qof kasta noloshiisu lahaato. Wax yar mooyaane,
qof waliba ee jiri jirayba wuxuu sameeyey ficillo wanaagsan. Qaar baa waxay caawiyeen
dad jirran. Qaarna waxay sadaqo siiyeen masaakiinta. Qaar waxay u naxariisteen cadaawayaashooda.
Waxyaalahaas oo dhammu waa camallo suubban. Habase ahaatee, camalladaa wanaagsan
xataa midka mid ah kaama yeelo inaad xagga Ilaah qummaatidid. Nebi Ishacyaah wuxuu
ku yiri, "Xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah."- Kitaabka Ishacyaah
64:6 Waxaa wax ugu wanaagsan oo aan samayn karnaa ay Ilaah hortiis ku yihiin,
sidii calalo wasakh ah oo kale. Waxaa suurtaggal ah inaad ducaysatid oo aad shuqul
wanaagsan samaysid habeen iyo maalinba oo aad haddana cadaabta gashid. Waayo, ducada
iyo camalka suubbani ma aha sida Ilaah wax ku aqbalo. Sida keliya oo Ilaah wax ku
aqbalo waa inaad Ciise Masiix aammintid.
Markaad Ciise Masiix aqbasho waa muhiim inaad camal wanaagsan samayso. Markaad Sayidka
Ciise Masiix weyddiisatid inuu ahaado taliyaha noloshaada waa inaad isaga ka farxisid
oo aad u noolaatid. "...mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin."
- Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadka Efesos 2:9 Sababta Ilaahi inoogu
diidayo in aynu dembidhaafkeenna shaqaysanno, waa si aanan loogu faanin. Maanta
Ilaah wuxuu dembidhaafka siinayaa qofka u qaadanaya hadiyad ahaan oo kale. Dembidhaafkaas
oo aan lagu heli karin shaqo ama duco, laakiinse lagu heli karo aqbalidda Ciise
Masiix oo keliya.
"Waayo, idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna
ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah."
- Efesos 2:8-9
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved