HORDHAC
Taariikhda Masiixiyadda ee Soomaaliya waxa si kooban
loogu sheegaa oo keliya buugaagta ku saabsan Kaniisadda
Afrika. Dad badan ayaa haddaba waxay moodaan in taariikhdani
ay bilaabantay 130 sano ka hor, oo ah markii ay yimaaddeen
diin-fidiyaashii ka socday Galbeedku. Si kastaba ha
ahaatee, saddex cadaymood ayaa tusinaya saamayntii
hore ee ay diinta Yuhuudda iyo Masiixiyaddu ku lahaayeen
imaatinkii Islaamka hortiis, waxayna kala yihiin:
- Cadaymo qoran
- Xogta cilmiga diraasaynta waxyaalihii qadiimiga
ah
- Raadadka ilaa hadda sii jira ee tusinaya dhaqamada
Yuhuudda iyo Masiixiyiinta ee ka muuqanaya dhaqanka
Soomaalida iyo sidoo kale kuwa iyaguna la xidhiidha
cirqiyada kale (Rendille, Oromo, Canfar, iyo
Hadiya) ee Soomalida aadka isugu dhaqanka dhow
yihiin.
Isagoo soo bandhigaya maqaalkiisa uu ugu magac daray
‘Nubian Christianity”, ayaa
Bowers (1985:3-4)
waxa uu dhaleecaynayaa fikirka khaldan ee ah
in Masiixiyaddu ay hadda uun soo gaadhay Afrika iyadoo
ay keeneen reer Galbeedku. Wuxuu hadalkiisa kusoo
gabaggabaynayaa: “…joogitaanka Masiixiyadda
ee Afrika dhexdeedu waxa uu qadiimi u yahay sida ay
Masiixiyadda lafteedu qadiimiga u tahay…Masiixiyaddu
waxay qayb muhiima ka ahayd nolosha qaaradda ku dhowaad
labo kun oo sanadood.”
Haddaba, dadka Soomaalida, oo ay ku jiraan dadyowga
kale ee ku dhaqan Geeska Afrika, waxay aad u daneeyaan
taariikhdooda (Braukämper
1973:29 ). Iyadoo sidaas ah, haddana Muslimiinta
aan Carabta ahayni sida Soomaalida oo kale, waxa
ay badanaa taariikhdooda iyo dhaqankooda ka horreeyay
Islaamka u arkaan si la mida aragtida ay ka dhaxleen
Carabta Muslimiinta ah. Carabtuna waxa ay hadiyo
goor ku faanaan oo mahadiyaan taariikhdooda Islaamka
dabadiis iyagoo markaasna dhinac iska dhigaya ama
yasaya wakhtigii jaahiliyaddooda الجاهلية
. Haddaba, dhaqan
ahaan Soomaalidu badanaa taariikhdooda wakhti xaadirkan
ayay ka doorbidaan taariikhdoodii hore ee Islaamka
hortiis.
V.S. Naipul (1998:xi)
wuxuu si cad u sheegay dhibaatadan iyada ah: “Islaamku
asal ahaan waxa weeye diin Carbeed. Qof kasta oon
Carab ahayn oo Muslim ahina waa mid ku soo biiray
Islaamnimada… Goobaha karaamaysan ee uu leeyahay
waxay ku yaallaan dhulka Carabta; luqadiisa ama afkiisa
muqaddaska ahina waa af-Carabi. Fikirka uu taariikhda
ka haystaa wuu is beddelayaa waanu is dafirayaa; haddii
uu jecelyahay iyo haddii kaleba, waxa uu noqonayaa
qayb ka mida taariikhda Carabta. Qofka ku soo biira
diinta Islaamku waa inuu ka jeesto oo iska dhaafo
wax kastoo uu leeyahay. Carqaladayntani waa mid bulshooyinka
dhexdooda ku weyn…Dadku waxa ay horumariyaan
waxyaabo khiyaali ah oo ku saabsan cidda iyo waxa
ay yihiin.”
CADDAYMO QORAN
Ali Abdirahman [Cali Cabdiraxmaan Xirsi] (1975:43-74)
ayaa daraasaddiisa muhiimka ah ee “The
Arab Factor in Somali History” waxa
uu ku bilaabayaa isagoo tilmaamaya caddaymaha uugu
horreeyay ee ku saabsan markii xadaaradihii qadiimiga
ahaa ee Bariga Dhexe ay xidhiidh la yeeshaan xeebaha
Soomaaliya. Waxa ugu horreeya ee qoraal Soomaaliya
lagaga tilmaamayaana waxa uu kasoo jeedaa Masar ka
hor 2000 BC waana iyadoo lagu tilmaamayo dhulka Udugga
oo ah “Punt”. Mar danbena, Soomaaliya
waxa lagu xusay buugga qadiimiga ah ee “Periplus
of the Erythreaean Sea” (oo taariikhdiisu
u noqonayso 50 AD), waxaanu mar kale tilmaamayaa iyadoo
badmaaxiyayaal ah Giriig iyo Masaari iyo ganacsato
ay xidhiidh la sameeyeen xeebaha Badda Cas iyo Khaliijka
Cadan ee Geeska Afrika. Ali Abdirahman (b. 117) waxa
uu soo xiganaya ilo Carabi ah oo dhowra isla markaasna
u noqonaya qarniyadii 10aad (al-Mascuudi), 11 aad
(al-Biruni) iyo 12 aad (al-Idrisi) oo Seylac ku sheegaya
inay ahayd Masiixiyiini ay lahaayeen, sidoo kalena
waxa deganaa tiro yar oo ahayd ganacsato Muslimiin
ah oo kasoo jeeda Yemen. Muslimiintani waxa ay si
nabad gelyo leh uula noolaayeen dadka tirada badan
cashuur ama jisiyo siin jireen boqorkii Aksum. Trimingham
ayaa waxa uu soo xiganayaa Ibn Hawqal oo arrintan
wax ku saabsan qoraya sanadku markuu ahaa 978 AD (1952,
p. 51 ). Wakhti danbena, waxa magaalooyin xeebedyada
gacanta ku dhigay Carab Yemeni ah. Sanadkii 1415
boqorkii Xabashiga ahaa ee Negus Yakuno Amlak waxa
uu dib u qabsaday Seylac. Waxa uu laayay Muslimiin
badan isagoo intii hadhayna ku khasbay inay Masiixiyiin
noqdaan, sidoo kalena masaajidadii wuxuu u beddelay
kaniisado. Si kastaba ha noqotee, muddo yar oo tobanaan
sano ah, Masiixiyaddu waxay mar kale ka dabar go’day
magaaladan.
Inta ay Masiixiyaddu ka jirtay Khaliijka Cadan ee xeebaha
woqooyiga Soomaaliya ma aha mid la garanayo. Waxa
jira qoraal ka ahaaday St. Francis Xavier booqashadiisii
uu ku tegay jasiiradda Soqotra sadku markuu ahaa 1542
(Freeman-Grenville
1966:135-137). Warqad u noqonaysa 20
September 1542, wuxuu u qoray xaruntii dariiqa Kaniisadda
Kaatooligga ee Jesuit-ka ee Rooma isaga oo ka warramaya
kulankiisa uu la yeeshay dadka deggan jasiiraddaas.
Waxa ay sheegteen in iyaga uu Masiixiyiin ka dhigay
St. Thomas [Toomas waxa uu ka mid ahaa 12 xerta Ciise
Masiix ahaa (Injiilka
sida Matayos u qoray 10:1-4). Waxaanu dhaqan
kaniisadeed sheegayaa rasuul Toomas inuu u socdaalay
dalka reer Faaris [Persia] dabeetana koonfurta Hindiya,
halkaasna waxa uu ka asaasay kaniisad qadiimi ah.
St. Xavier waxa uu tilmaamay in dadka reer Soqotra
ay ku faraxsanaayeen inay yihiin Masiixiyiin. Si kastaba
ha ahaatee, wakhtigaas isaga ah waxa ay ahaayeen
dad aan wax qorin waxna akhriyin, manay haysanin
Kitaabka Quduuska ah, laakiinse waxa ay awood u lahaayeen
inay waxyaalaha ay maalin kasta ku tukanayaan dusha
ka xafidaan. Dadka reer Soqotra waxa ay gebi ahaanba
illaaween baabtiiska, laakiinse bisha ay soomaan ee
ka horreysa Iidda Sarakiciddu waxa uu la mid ahaa
ka Kaniisadda Ortodogis [Orthodox] ka Itoobiyaanka.
Woqooyi-bari Soomaaliya, waxa jira qabiil (Carab
Maxamed Saalax) oo abtirsiimadooda u celiya Soqotra
[iyo Degmadda Qayda ee Gobolka Mahra ee Yemen], laakiin
wakhti xaadirkan, kuwooda dega Soqorta iyo iyo kuwa
Soomaaliya degaaba waxa weeye Muslimiin.
XOGTA CILMIGA DIRAASAYNTA WAXYAALAHA QADIIMIGA
AH
Sanadkii 1854, sahamiyihii reer Yurub ee ugu horrayn
booqda Soomaaliya waxa uu sheegay burburka wax ay
qabiilka Warsangeligu ku sheegeen inuu ahaa kaniisad
oo ku taalla Gobolka Sanaag (Burton
1987: 127-129). Reer baadiyihii Warsangeligu
waxa ay isaga u sheegeen in waxyaalahan burburay ay
lahaayeen Nasraani. Waxa kaloo uu sheegay in qabiilka
ku dhow ee Dhulbahantaha oo ku nool koonfurta Warsangeligu
(Gobolka Sool) ay xabaalohooda u adeegsanayeen inay
xagga lugaha iyo madaxa qabriga kaga sameeyaan iskutallaab
ka samaysan dhagax ama loox. Sidoo kale xabaalaha
qadiimiga ah ee gobolka waxa la arkay iyadoo lagu
calaamadiyay iskutallaabo.
RAADADKA CAADOOYINKA YUHUUDDA AMA MASIIXIYIINTA
EE LAGA HELAYO DHAQANKA SOOMAALIDA
Sida Muslimiinta aan Carabta ahayn oo kale, Soomaaliduna
waxa ay ku xidhiidhaan asaasayaal gaara oo qabiilku
ku abtirsadaan (Isxaaq, Daarood) kuwaas oo ah sheekhyo
Carab ah oo caan ah isla markaasna ka yimid dhulka
Carabta qarniyo badan hortood, iyaga oo dabeetana
guursaday gabadh ay meeshaas uugu yimaaddeen, kadibna
waxa ay sidaas ku asaaseen qabiil. Gaar ahaan, qabiillo
badan ayaa abtirsiinyadoodu waxa la sheegaa in ay
kasoo jeeddo qabiilka Quraysh. Abdalla Omar [Cabdalla
Cumar] (1995:117-134)
waxa uu diraasad xiiso leh ku sameeyey sheegashooyinkan
waxaanu qabiillo badan xilliga ay diinta Islaamka
qaateen dib uugu celinayaa lagasoo bilaabo markii
taariikhdu ahayd 1400.
Waxa jira ugu yaraan ilaa afar qabiil oo Soomaali ah
isla markaasna la sheego inay asal ahaan kasoo jeedaan
Yuhuud. Meelo badan oo ka mid ah koonfurta Itoobiya,
koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga Kenya, waxa laga
helaa ceelal gacmaha lagu qoday oo qoto dheer, hadhaa
dhismayaal qadiimi ah iyo dhagxaan rasaysan waxaanay
Oromada iyo Soomaalida maanta halkaas ku nooli sheegaan
in waxyaalahan ay sameeyeen dadka Madanluhu. Schlee
(1994:
96, 226-228) ayaa waxa uu hubinayaa warbixinta ku
saabsan waxyaalaha ay dadkaasi ka sameeyeen woqooyiga
Kenya ee Wajeer. Waxa uu soo xiganayaa taariikhda
afka laga sheego ee Soomaalida meeshaas ku dhaqan
oo sheegaya in Madanluhu ay yihiin “reer bani-Israa’iil”
iyo in la tirtiray oo lagu daray qabiillada Digil,
Reewin [Raxanweyn] iyo Hawiye qarniyadii 16-aad ama
17-aad. Schlee waxa uu soo bandhigayaa caddaynta
iyadoo ay suurtaggal tahay inay ku daba taxman
qabiilka Soomaalida ah ee Ajuuraan oo hadda ku nool
galbeedka Wajeer. Lewis (1969:47)
waxa uu isna sidoo kale sheegayaa in Madanluhu ay
deganaayeen in badan oo ka mida koonfurta Soomaaliya
ka hor markii taariikhdu ahayd 1500. Cassanelli (1982:92-96)
ayaa isna waxa uu bixinayaa warbixin dheeraad ah
oo ku saabsan qabiilkan aan la garanaynin, waxaanay
warbixintaasi ku salaysan tahay ilo asal ah oo k
a ahaaday koonfurta Soomaaliya. Waxa uu Madanlaha
ka dhigayaa inay yihiin qayb ka mid ah boqortooyadii
Ajuuraanka ee ka talinaysay koonfurta Soomaaliya
qarnigii 16-aad. Brown (1989:29-36)
waxa uu diraasad ku sameeyay taariikhda aan qornayn
ee qabiillada Soomaalida iyo Boorana ee woqooyibari
Kenya taasoo ku saabsan ceelasha iyo dhagxaanta rasaysan
ee la sheegayo inay sameeyeen Madanluhu. Si kastaba
ha ahaatee, waxa uu soo xiganayaa maamule hore oo
ka tirsanaa gumaystihii Ingiriiska, Lord Delamere,
oo sheegaya in Madanluhu ay ahaayeen Muslimiin.
Saddexda qabiil ee soo hadhay waa kuwo ilaa maanta
jira. Qabiilka la yidhaahdo Yibraha waxa badanaa
laga helaa bariga Itoobiya, Somaliland, iyo woqooyiga
Soomaaliya. Ilaha qaarkood waxa ay magacooda “Yibir”
kasoo qaadaan inuu ka yimid ereyga Soomaaliga ah ee
“Cibraani” [Hebrew]. Xilligii dagaalka
sokeeye, qoxoontiyada Yibiruha ee Kenya ku sugnaa
waxa ay sheegeen in ay la xidhiidhaan Falaashaha
woqooyiga Itoobiya. Arrintanna waxa lala xidhiidhiyay
iyaga oo rabay in ay dib u dejin ka helaan Israa’iil
sidii Falaashuhu ay yeeleen sanadkii 1980-aadkii
oo kale. Kuwo ka mid ah Yibruhu waxa ay sheegaan
in boqorkoodii Bucul/Bucur Bacayr (Maxamed Xaniif)
uu ahaa Yuhuudi uu ka adkaaday diin-fidiyihii Muslimka
ahaa ee Aw Barkhadle, waxaanu kaga kaga adkaaday
tartan xagga sixirka ah oo ka dhacay woqooyiga Soomaaliya.
Qabiillo badan oo dega magaalooyinka qadiimiga ah ee
xeebaha Benaadir ee Muqdisho, Merka, iyo Baraawe
waxa ay leeyihiin asal ka soo jeeda Carabta iyo Iiraan
[Persia]. Lewis (1969:
42) waxa uu tilmaamayaa inay asal ahaan kasoo jeedaan
Yuhuuddii ahayd Yementa oo deganaa magaalooyinka
xeebaha laakiinse faahfaahin kama bixinayo. Waxa jira
sheekooyin odhanaya in Begedi (ka soo jeeda gudaha
Merka iyo Shalanbood) iyo Xaatim (Baraawe) ay asal
ahaan kasoo jeedaan Yuhuud.
Arrin muhiimad yar laakiinse xiiso badan ayaa waxa
ay tahay, iyadoo magacyo gaara oo Kitaabi ah oo aanay
isticmaalin Muslimiinta Carabta ah ee Bariga Dhexe
laga dhex helo Soomaalida. Waxa magacyadan ka mid
ah Isxaaq, Eliyaas, Makaahiil, iyo Daa’uud.
Guud ahaan, Carabta Masiixiyiinta ah ama Carabta
Yuhuudda ah ayaa adeegsada magacyadan. Xaqiiqada
ah in magacyada Isxaaq, Makaahiil, iyo Daa’uud
laga dhex helayo abtirsiinyada qabiillo dhowra ayaa
waxa laga yaabaa in ay tusinayso adeegsigii hore
ee magacyadan oo ahaa saamaynta Masiixiiyiinta ama
Yuhuudda ee Islaamka hortiis.
Sabtida ama Axadda oo shaqada laga nasto
Magaalada Homboy ee Degmada Jilib, kuwo badan oo degani
waxa ay u hoggaansameen sharciyada hoggaamiyaha diinta
oo ah in aanay wax beerin amba falin maalamaha Sabtiyada.
Dadkani waxa ay ahaayeen xerta Sheekh Ibraahim oo
ka soo jeeda qabiilka Garraha oo aabbihiis uu asaasay
magaaladan markii taariikhdu ahayd 1920-kii. Wuxuu
u sheegay in haddii beerta laga shaqeeyo maalmaha
Sabtida ay arrintaas ka dhalanayso calaamooyin ama
aafo waxyeello u geysata midhaha beerta. Dadka degan
Homboy ee nasanayay maalinta Sabtida iyo kuwa kale
ee deegaankooda ahi waxa ay caabudaaddooda masaajidka
ku samayn jireen maalinta Jimcaha. Sidoo kalena kuwo
ka mida qabiilka Baadacadaha ee ku sugan Buulo Burte
ee badhtamaha Soomaaliya, waxa iyaguna ay qadariyeen
sharciyo ku waajahan shaqada maalinta Sabtida. Dhinaca
qadarinta Axadda, Schlee ayaa waxa uu sheegayaa in
Soomalida ah qabiilka Garruha ee Degmada Mandheera
ee woqooyiga Kenya aanay guuritaanka ama hayaanka
bilaabin maalmaha Axadda, sidoo kalena layliga ama
tababarka awrta yaryar ee qaalimadda ah ma bilaabaan
maalmaha Axadda (Schlee
1994:55). Waxa la yaab ku noqotay in
la arko Muslimiin maalina Axadda u qadariya si ka
daran qadarinta Jimcaha.
Adeegsiyada iskutallaabta
Burton ayaa in ka badan qarni iyo badh
ka hor, waxa uu u fiirsaday calaamadda iskutallaabta
oo ilaa hadda lagu dhex adeegsado dhaqanka Soomaalida.
Qaar ayaa calaamadda iskutallaabta u adeegsada ujeedooyin
kala duwan oo xagga sixirka la xidhiidhka. Mararka
ay jirto khatarta aadka u darani, iskutallaab ayaa
lagu sawiraa ciidda korkeeda iyadoo loo malaynayo
inuu leeyahay awood balaayo xijaab ah. Iyadoo dhuxusha
la adeegsanayo ayaa mararka qaar carruurta wajahaddooda
lagu sawiraa calaamadda iskutallaabta iyadoo markaasna
waalidiintu ay u malaynayaan inuu carruurta ka dhowrayo
isha. Xaaladaha qaarna, marka dhaarta la samaynayo
waxa mararka qaar la sameeyaa calaamadda iskutallaabta.
Calaamadan iskutallaabtana waxa mararka qaar lagu
tilmaamaa fallaadh. Waxaana dhici karta in asal ahaan
ay la xidhiidho ereyga “fal” oo macnihiisu
ka dhigan yahay sixir.
Kuwo ka mid ah qaybaha qabiilka Sheekhaasha ee bariga
Itoobiya ayaa iskutallaabta calaamad ahaan uugu adeegsada
geelooda. Sidoo kalena waxa ay iskutallaabta ku qoraan
dhagxaanta lagu calaamadiyo xabaalaha. Calaamaddan
waxa loogu yeedhaa “summaddii awliyada”.
Sheekhaashu waa qabiil diimeed yar oo caan ku ah
aqoonta ay u leeyihiin diinta Islaamka. Qaybo ama
kooxo ka mida qabiilka Karanlaha (Murursade) ayaa
sidoo kale iyaguna geelooda ku calaamadiya iskutallaab.
Waxaanay taasi ka dhigantahay in diraasad dheeraad
ahi ay tusin karto iyadoo qabiillo kale ay xoolohooda
ku calaamadiyaan iskutallaab.
Dadka siyaaranaya xabaasha diin-faafiyihiin Muslimka
ahaa ee Aw Barkhadle ayaa waxa ay calaamadda iskutallaabta
ka sameeyaan ciidda cad ee xabaashiisa. Waxa ay calaamaddan
ku samaystaan wajahaddooda iyagoo ku daaya ilaa inta
ay kaga laabanayaan guryohooda. Saddex ka mida meelahan
la siyaartana waxa lagala mid dhigaa iyadoo ka dhigan
in Maka la siyaartay ama loo xashay. Haddaba calaamadda
iskutallaabta ee hadda joogtaa qiimo dhab ah kuma
laha xagga iimaanka, laakiinse waxa ay taageeraysaa
caddaymaha cilmiga diraasaynta waxyaalaha qadiimiga
ah. Tani waxa ay la mid tahay xaaladda dadka loo yaqaanno
Dawaariqda [Tuareg]
ee ku nool Saxaraha Nayjar, Maali, Aljeeriya iyo
Liibiya. Geel-dhaqatadan reer baadiyaha ahi waxa
ay Muslimiin ahaayeen boqolaal sanadood, laakiinse
ilaa hadda calaamadda iskutallaabtu waxa ay u tahay
farshaxan dhaqameed.
Ducooyinka iyo xoolaha allabari ahaanta
loo qalo
Ahmed Ali Haile [Axmed Cali Xayle] (2011:26)
ayaa waxa uu sheegayaa duco uu ku dhex maqlay Buulo
Burte oo ah “Waaq iyo Madi” oo macneheedu
ka dhigan yahay “Magaca Ilaah iyo Wiilkiisa
Kelida ah”, taasoo tusinaysa saamayn Masiixi
oo wakhti hore ah. Waxa kale oo uu tilmaamayaa caado
ah in dhiigga wanka la qalo Iidda Adxada dhiiggiisa
la mariyo albaabada waana caado ka tarjumaysa Kormaristii
asalka ahayd ee wakhtigii Muuse [Baxniintii
12].
TAARIIKHDA DHAQDHAQAAQYADA DIIMEED EE GEESKA AFRIKA
Si loo fahmo muhiimadda ku jirta warbixintan, waxaan
u baahannay inaan garano xidhiidhka ka dhexeeya Soomaalida
iyo dadyowga ay isku dhow yihiin ee Geeska Afrika
(Levine
1974:40-84). Levine waa dhaqan diraaseeye
raacay sahankii baadhitaanka ahaa ee uu waday caalimkii
Talyaaniga ahaa ee la odhan jiray Enrico Cerulli (1959).
Baadhitaankoodu waxa uu muujinayaa xidhiidh weyn oo
kumaankun sano ka hor u dhexeeyay cirqiyo kala duwan
oo ku hadla luqadaha Semetiga, Kushitiga, iyo Omotiga.
Levine waxa uu liis garaynayaa waxyaabo la xidhiidha
diinta oo guud ahaan dadka dhexdooda laga helayo:
- Rumaysashada ilaah samada jira oo la yidhaahdo Waaqa
(Oromo), Waakh (Rendille), Waaq (Daasanaj [Daasanach]),
Waac (Canfar).
- Wadaaddo shaqadoodu tahay inay dhexdhexaadiyaan Waaq
iyo dadka.
- Caadooyin diimeed oo badanaa koobsanaya xoolo allabari
ahaan loo qalo, gaar ahaan iyadoo lagu qalo meel
taag ah korkeed ama dhinacyada webiyada.
- Adeegsiga jadwal taariikheed oo lagu saleeyo caadooyinkaas;
maalmo gaara ayaa loo arkay inay yihiin kuwo ku habboon
waxqabadyada qaarkood, kuwo kalana waxa loo arkay
inaanay ku wanaagsanayn.
- Adeegsiga dabshid calaamad u ah bilowga sanadka cusub;
waa caado ay raacaan Kaniisadda Ortodogiska Itoobiyaanka
(Mesqel), Muslimiinta (Dabshid, Neyruus) iyo kuwa
raaca diin dhaqameedyadu.
- Rumaysashada rooxaanta dadka waxyeellaysa ama derderta
(zaar/saar).
- Masaska noocyo gaara oo ka mida oo calaamad u ah
qabiilooyin ama awliyo.
- Rumaysashada in rooxaantu ay ku dul nooshahay dhirta
waaweyn sida bardaha/mukoy ama yaaq.
- Xaaraantimaynta in la cuno hilibyada ay ka midka
yihiin doofaarka, kalluunka, iyo xayawaanka dhintay.
- Dabeecadda ah in la beddelo meesha ay kasoo bilaabanto
abtirsiinyadu si loogu xidhiidhiyo dad muhiim ku
ahaa taariikhdii hore (tusaale ahaan, Boqor Sulaymaan
oo ku xidhiidhaan xubnaha Kaniisadda Ortodogiska
Itoobiyaanka) ama qabiilka Qureysh oo ay isla xidhiidhiyaan
Soomaalida iyo dadyowga kale ee Muslimiinta ahi.
Levine (1974:64-66)
waxa uu sheegayaa sida ugu horreyna diinta Yuhuudda,
kaddibna Masiixiyadda, iyo ugu danbayn Islaamku,
loogaga dhaqmay cirqiyo kala duwan oo ku sugan Geeska
Afrika. Axmed Cali Xayle ayaa buuggiisa waxa uu xoogaa
faahfaahin ah ku bixinayaa wax ku saabsan diintii
hore haysan jireen Soomaalidu (2011:
25, 89-90).
Diin dhaqameedka Soomaalida
Maadaama oo asal ahaan Soomalida oo dhami ay Muslimiin
ahaayeen 500 sano ee ugu danbaysay, suurtaggal ma
tahay in la tilmaamo waxyaabihii ay dhaqan ahaan
rumaysnaayeen Islaamka hortiis? Mid ka mida sida lagu
ogaan karo ayaa waxa ay tahay in la barbar-dhigo diin
dhaqameedka dadyowga ay isugu dhow yihiin ee iyagu
aan Muslimiinta noqonin. Schlee (1994)
waxa uu diraasad ku sameeyay Rendillaha, Gabbraha
iyo Sakuuyaha woqooyiga Kenya. Aragtidiisu waxa ay
qiimeynaysaa in saddexdan qabiil ee geel-dhaqatada
ahi ay yihiin laamo ama qaybo ka mid ah Soomaalida.
Wakhtiyadii ugu horreeyay ee Muslimiinta la noqonayayna
waxa iyaga gooni ka dhigay oo Soomaalida kale ka soocay
duullimaadkii Oromada ku dhowaad markii taariikhdu
ahayd 1540-kii. Maadaama oo Oromada Boorana ay iyaga
ka sooceen Soomaalida kale markii ay taariikhdu ahayd
1550 ilaa 1860-kii, saddexdan qabiil ma ayna wada
noqonin Muslimiin rasmi ah. Schlee waxa uu tilmaamayaa
in Rendillaha (oo ku hadla luqad af-Soomaaliga u
dhow) waxa ay ahaayeen kuwii uugu horreeyay ka soocma
qabiillada kale ee Soomaalida. Dhaqanka Rendillaha
Islaamnimadu waa ay ku yar tahay marka loo eego Gabbraha
iyo Sakuuyaha (oo qabatimay lahjadda Oromada Booranaha).
Si kastaba ha ahaatee, Rendilluhu waxa ay magacyo
Carabi ah u adeegsadeen kuwo ka mida maalmaha toddobaadka,
kuwo ka mida bilahooda iyo ereyo diimi ah sida “alal”
iyo “dikir”, Schlee (1994:3)
waxa uu arkay iyada oo Rendillaha iyo Gabbruhu ay
diin dhaqameedkooda ku caabudaan hal ilaah (Waakh)
oo keliya. Marka la eego jadwal taariikhoodkooda iyo
qaabka allabarigooda waxa jirta dhinacyo ay isaga
eeg yihiin ka dadka Yuhuudda ee Axdigii Hore
(Andersen 1983). Caadooyinkanina waxa ay aqoonyahannada
uuga baahan yihiin diraasad dheeraad ah. Schlee (1994:55)
waxa uu tilmaamayaa iyada oo Rendillaha, Gabbraha
iyo Sakuyuhu (oo ay ku jiraan Garraha Muslimiinta
ah ee kor ku xusan) ay maalinta Axadda ah u qadariyaan
maalin gaar ah oo la nasiyo geela. Waxa kale oo uu
sheegayaa iyada oo caado ahaan Rendilluhu ay dhiigga
u isticmaalaan barakaynta xoolaha iyo dadka (1994:65).
Schlee (1994:255)
waxa uu tilmaamayaa in Gabbruhu ay leeyihiin sheeko
la mid ah xukunka Sulaymaan ee ku sugan
1 Boqorradii 3:16-27. Waxa kale oo
Schlee uu tilmaamayaa in kuwo ka mida Gabbruhu ay
geelooda ku suntaan calaamadda iskutallaabta (1994:193).
Koonfurta Itoobiya, Braukämper (1997:
321) ayaa waxa uu sheegay in diin dhaqameedka Hadiya
iyo Kambaata ay lahaayeen caadooyin (gaar ahaan sharfitaanka
Maryan iyo Saint George) kasoo hadhay whakhtiyadii
hore markii ay xidhiidhka la lahaayeen Kaniisadda
Ortodogiska Itoobiyaanka.
Asalka caadooyinka Yuhuudda ee laga dhex helayo
dhaqanka Soomaalida
Caadooyinka diinta Yuhuudda kuwo ka mid ahi waxa ay
ugu horreyntii Soomaaliya kaga yimaaddeen dhinaca
woqooyiga (Itoobiya--Falaashaha), kaddibna xagga
woqooyi-bari (Yemen). Waxa arrintani ay soo bilaabantay
xilliyadii Islaamka hortiis waxaanay sii socotay
qarniyada qaarkood. Sheekada Boqorad Gudit, oo ahayd
cadawgii ugu weynaa ee boqortooyadii Aksum waxa ay
tusinaysaa sida ay diinta Yuhuuddu laga ayaabo inay
uugu faaftay oo ugu fogaatay xagga koonfurta Itoobiya.
Sida uu sheegayo Sergew (1972)
isagoo soo xiganaya qoraal-gacmeed qadiimi ah oo ku
qoran luqada Ge’ez-ka, Boqorad Gudit waxa ay
ahayd Yuhuudiyad. Boqortooyadeeda Damotna waxa fariisin
u ahaa koonfurta galbeed ee Boqortooyadii Aksum.
Waxa ay ka dhigantahay iyada oo kasoo jeedday mid
ka mida qabiilladdii Agawga ee qaatay diinta Yuhuudda
qarniyadii hore. Taddesse (1972:
40-43) waxa uu bixinayaa faahfaahin dheeraad ah oo
ku saabsan markii Gudit ay baabi’isay Aksum
sanadkii 979; si kastaba ha noqotee, waxa uu ‘Damoti’
ku magacaabayaa inay xagga koonfureed ka xigtay gobolka
Sidamo, waxaanu Gudit kasoo qaadayaa cawaan oonay
ahayn Yuhuud. Balisky (2009:
8-9 ) waxa uu bixinayaa aragti waafi ah oo ku saabsan
meelaha suurtaggalka ah ee ay noqon karto Damot;
waxaanu asaasi ahaan waafaqsan yahay Sergew isagoo
markaasna ku soo gunaanadaya inay u dhoweyd dooxada
Webiga Gibe, waana meel hadda ay degaan dadka Guraagada
iyo Oromadu.
Braukämper (1973:
34-35) waxa uu soo koobayaa xidhiidhada taariikhiga
ah ee u dhexeeya qabiilka Hadiya ee Kushitiga Bariga
Dhulka-sare iyo qabiilka Agawga ah Kushitiga Badhtamaha.
Hadiya waxa ay waxa ay ku noolaadeen agagaarka Soomaalida
(1973:
42-45), waxaanay ku noolaayeen meel hadda ay degaan
Oromada Arsigu. Waxa suurtaggal ah in qabiilka Yibraha
ee Soomaalida ahi ay yeelan karaan kuwo kasoo jeeda
Falaashaha Yuhuudda ah oo kasoo farcamay kuwa dega
Agaw ee ka midka ah Hadiya. Waxaanay u badan tahay
in arrintani ay ka dhacday agagaarka Harar. Braukämper
(1973:
35, 47-48 ) waxa uu tijaabinayaa caddaynta in Hadiya
iyo Sidama dhinaca bariga fog ee Harar wakhtiyadii
qarnigii 16-aad ee qabsigii Oromada. Tani waxa ay
ka dhigan tahay in Sidaama iyo Hadiya ay arrintani
ka dhigtay inay jaar la noqdaan qabiillada Soomaalida.
Lewis (1969:
54-55) waxa uu xusayaa sheekada ku saabsan Bucur Bacayr
(Maxamed Xaniif) naagtiisii la odhan jiray Xantaale
in lagu aasay Harar (kuwo kalena waxay rumaysan yihiin
in lagu aasay Jigjiga) iyo in Yibruhu ilaa hadda ay
booqdaan xabaasheeda.
Rendillaha waxa ka mid ah, koox isugu jirta wadaaddo
iyo sixirroolayaal oo loo yaqaanno Iibire (waxa lagasoo
dheegtay oo ay isku asal yihiin meesha luqada Soomaaliga
laga soo dheegtay ereyga Yibir) mana aha dad laga
tiro badan yahay oo la yaso, in kasta oo lagu yaqaanno
iyagoo awood u leh inay sameeyaan inkaar xooggan
(Schlee
1994: 10-11, 241-242). Tani waxa ay tusinaysaa
iyadoo laga yaabo in Yibruhu ay door hoggaamin ah
ku dhex lahaayeen Soomaalida ka hor wakhtigii Islaamka.
Dhaq-dhaqaaqa xagga koonfureed ee Masiixiyadda
Sida diinta Yuhuudda oo kale, Masiixiyaddu waxa ay
Soomaaliya kasoo gashay dhinaca dhulka-sare ee Itoobiya
xagga woqooyi iyo sidoo kale koofurta Carabta. Ganacsatadii
koofurta Hindiya (ka socda Kaniisaddii hore ee Mar
Thoma ee gobolka Kerala) ayaa sidoo kale laga yaabaa
inay ku lug lahaayeen Soqorta iyo qaybaha ku dhow
ee Soomaaliya. Faafitaanka Masiixiyaddu waxa uu bilaabmay
Islaamka hortiis waxaanu sii socday laga yaabaa ilaa
dabayaaqadii 1500-kii. Levine (1974:
71 ) waxa uu qoray in Seylac ay ka mid ahayd Boqortooyadii
Aksum sanadihii 900-kii, kaddibna waxa ay gacanta
u gashay Carabta, dabeetana waxa mar danbe dib loo
qabsaday horraatemeeyadii qarnigii 15-aad. Fiditaanka
Masiixiyadda ee dhinaca koonfureed ee dadyowga
ah Kushitiga Bariga Dhulka-sare (Hadiya, Kambaata,
Sidama) iyo Omotiga (Wolayta, Kafa) waxa uu qarnigii
13-aad la bilaabmay adeegitaanka diin-faafiyihii caanka
ahaa ee la odhan jiray Takle Haymanot (Balisky
2009: 36-42, 67-79). Dhaq-dhaqaatiaankan
xagga koonfureed ee Masiixiyaddu waxa uu sii socday
qarniyadii 14-aad iyo 15-aad (Levine
1974: 73; Getachew Haile 1984: 113).
Sida uu tilmaamay Braukämper (1997:
319), dhaq-dhaqaaqa xagga koonfureed ee Masiixiyaddu
waxa uu istaagay markii Imaam Axmed Gurey uu qabsaday
Itoobiya isagoo ka yimid Boqortooyo xeebeedkii Awdal
intii u dhexaysay 1530-40-kii. Kaddib markii Axmed
Guray ay jebiyeen is-bahaysigii Itoobiyaanka iyo
Boortaqiisku, dadka Oromada ah ee kasoo jeeda taagga
Liibaan ee koonfurta Itoobiya waxa ay u hayaameen
xagga koonfur, bari, woqooyi iyo galbeed waxaanay
si weyn u saameeyeen deegaannada dadyow kala duwan.
Trimingham (1952:109-110)
waxa uu sheegayaa sheekooyin dhowra oo ka ahaaday
socdaalayaashii hore ee reer Yurub kuwaas oo maray
koonfurta Itoobiya isla markaasna arkay hadhaayada
Kaniisadda Orthodogiska Itoobiyaanka. Tusaale ahaan,
meesha la yidhaahdo Enarya (hadda waxa ay ka mid
tahay deegaanka Guraagada ama waxa dega Oromada reer
Jimma), d’ Abbadie waxa uu qoray sanadkii 1843,
inay jirtay tiro yar oo Masiixiyiin ah oo in ka badan
hal qarni aan lahayn wadaad isla markaasna ku dhex
nool boqortooyadaas Muslimka ah. Meelaha kale ee sii
fogna, hadhaaga Masiixiyiintu may lahayn wadaaddo
waxaanay iyagoo is daba socda ku wareegi jireen kaniisadohooda
maalmaha Axadaha iyaga oo kaalmo ka dalbanaya Maryan.
Masiixiyadda oo la arko inay qarniyo badan ka jirtay
gobollada dhulka-sare ee woqooyi-galbeedka dhulka
ay degaan Soomaalidu, waxa suurtaggal ah iyadoo kuwo
ka mida caadooyinka Masiixigu (sida isticmaalka iskutallaabta,
Axadda oo ah maalinta nasashada) ay u gudbeen dhinaca
koonfureed oo ay gaadheen gudaha dhulka Soomaalida
horreetameeyadii 1300-kii, gaar ahaan meelaha la siman
dooxada Webiga Shabeelle. Qabiilooyinka Soomaalida
ee ku nool koonfurta buuraha Baale iyo taagga Liibaan
waxa ay ahaayeen kuwii ugu danbeeyay ee noqda Muslimiin.
Xeebta Khaliijka Cadan, waxa laga yaabaa in Masiixiyaddu
ay aad uugu faaftay qarniyadii hore, sida iyada oo
la xusay Seylac oo ahayd meel ay badi dadka ku nooli
Masiixiyiin ahaayeen ugu yaraan lagasoo gaadho qarnigii
11-aad. Waxa suurtaggal ah in kuwo ka mida qabiilooyinka
Soomaalidu ay Masiixiyiin noqdeen ka hor intii aanu
Islaamku imanin.
Fiditaankii Islaamka
Ali Abdirahman (1975: 109-141) waxa uu si faahfaahsan
u sheegayaa Islaamayntii Soomaaliya. Waxa uu soo
bandhigayaa caddayn loo fiirsan karo oo ah in Soomaalidu
ay gebi ahaanba Muslimiin ahaayeen bilowgii qarnigii
16-aad (1975:141). Waxa ay middani qaadatay ku dhowaad
800 sanadood, maadaama oo Seylac ay horeba u deganaayeen
Muslimiin tobanaankii sano ee ugu horreeyay taariikhda
Islaamka. Ali Abdirahman (1975:135-138) waxa
uu sheegayaa in Axmed Guray iyo boqortooyada Ajuuraanku
ay ka danbeeyeen Islaam ka dhigista qabiilooyinka
Soomaalida ee hadda ah koonfurbari Itoobiya iyo koonfurta
Soomaaliya wakhtiyadii qarniyadii 15-aad iyo 16-aad.
Cassanelli (1982:98-99
) waxa uu taageersan yahay in lagasoo bilaabo 1400-1500-kii
ay qabiilooyinka Soomaalidu gebi ahaanba si buuxda
u qaateen diinta Islaamka, waxaana taas la socday
imaatinka macallimiin diimeed oo Muslimiin ah kana
socda Yemen. Waxa ay dadka dhowaanta diinta qaatayna
ka caawiyiin in ay xoojiyaan diintooda cusub.
GUNAANAD
Soomaali badan oo isugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin,
waxa ay rabaan inay wax dheeraad ah ka bartaan dhaqankoodii
hore – dhaqan laga yaabo inuu koobsanayo wakhti
kooban oo Masiixi ah. Marka halkan la joogona waxa
xigmadi ku jirtaa in la xasuusto talada Unseth
(1999: 157-158) digniintiisa uu siinayo Masiixiyiinta
Suudaanta iyo Itoobiyaanka isagoo uuga digaya faan
kasta oo ruuxi ah isla markaasna ku salaysan dhaqan
taariikhi ah. Waxa aan u baahanahay inaan xasuusanno
rasuul Bawlos digniintiisa uu ku bixinayo
Warqaddiisa uu u qoray Filiboy 3:4-9, waana
in abtirsiinyo ama qabiil aanay inaga dhigin kuwo
kibra. Si kastaba ha ahaatee, caddaymaha halkan
lagu soo jeediyay waxa ay tusinayaan in Masiixiyadda
aan lagu tilmaami karin diin hadda uun timid Soomaaliya,
taas oo ay keeneen guumaystayaashii reer Yurub.
Waxa hadhsan su’aal keliya: Maxay Masiixiyaddu
uugu xididaysan weyday Soomaalida haddii ay timid
kun sano ka hor? Taddesse (1972:
43) waxa uu tilmaamayaa in reer baadiyaha dega dhulka-hoose
ay lahaayeen dhaqan aad uuga duwan kuwa beeralayda
ah ee dega dhulka-sare ka hor intii aanay imanin Masiixiyadda
iyo Islaamku midkoodna. Braukämper (1988:
772;
1997:323 ) wuxuu u fiirsanayaa in sharciga
Kaniisadda Orthodogiska Itoobiyaanka ee ah in sanad
kasta la soomo in ka badan 150 cisho iyadoon la cunaynin
manaafacaadka ka soo baxa xoolaha, waxa ay dadka
xoolo-dhaqatada ah u suurtaggelin weyday inay ka
mid noqdaan Kaniisadda. Waxa kaloo intaas dheer, iyagoo
xaaraan ka dhigay cunitaanka hilibka geela. Tani
waxa ay ahayd fahan-darro ku saabsan waxbarista caddaanka
ah ee Ciise Masiix ee ku saabsan cuntooyinka
[eeg
Injiilka siduu u qoray Markos 7:14-23]. Waxa
aan wada ogsoonahay in geelu uu yahay hadiyadda ugu
weyn ee Ilaah ku mannaystay dadka Soomaalida, geelaas
la’aantiisna aan suurtaggal ahayn in la badbaado.
Wareerka ku saabsan waxyaabaha asaasiga u ah farriinta
Injiilka oo lagu daro qaynuuno aan suurtaggal ahayn
oo ku saabsan soomitaan iyo cunno, waxa uu dhibaato
weyn ku abuuray Masiixiyaddii ugu horreysay ee Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan ku faraxsanahay iyadoo
Masiixiyiin badan oo Itoobiyaan ahi ay hadda dib
u heleen farriinta Injiilka (gaar ahaan kuwo loo
yaqaano Evangelical-ka ama Beentega) iyagoo hadda
dabadeedna aan raacin caadooyinkan adaygga
badan.
Ugu danbayntii, waxa aan ku rayraynaynaa inaan garanno
iyadoo doonista Ilaah la rabo Kaniisadda Ciise Masiix
ay tahay in laga dhex asaaso qabiil kasta, quruun
iyo dad kasta, waana sida aan ka arkayno
Muujinta uu Ciise Masiix u muujiyay rasuul Yooxanaa
5:9. Waxa suurtaggal ah iyadoo Soomaali la
yahay in sidoo kalena Masiixi la ahaado…xaqiiqdii,
waxa aan arkaynaa in taariikhda Masiixiyadda ee Soomaalida
dhexdeedu ay leedahay xididdo qadiimi ah.
QORAALLADA LASOO XIGTAY
Abdalla Omar Mansur. 1995. The
nature of the Somali clan system. . Pp. 117-134 in:
The Invention of Somalia. Ed. by Ali Jimale
Ahmed. Lawrenceville, NJ: The Red Sea Press.
Ahmed Ali Haile [as told to David W. Shenk]. 2011.
Teatime in Mogadishu: My Journey as a Peace Ambassador
in the World of Islam. Herald Press, Harrisonburg,
VA. 140 p.
Ali Abdirahman Hersi. 1977. The Arab Factor
in Somali History: The Origins and the Development
of Arab Enterprise and Cultural Influence in the
Somali Peninsula. University of California,
Los Angeles: Ph.D. Dissertation. 334 pp.
Andersen, Earl. 1983. Personal communication.
Nairobi: Africa Inland Mission.
Aram, Ben I. 2003. Somalia's Judeao-Christian
Heritage: A Preliminary Survey. African Journal of
Evangelical Theology Vol. 22 (2): 3-28.
Balisky, E. Paul. 2009. Wolaitta Evangelists:
A Study of Religious Innovations in Southern Ethiopia,
1937—1975. American Missiological Society
Monograph Series 6. Pickwick Publications,
Wipf & Stock, Eugene, OR 390 p.
Bowers, Paul. 1985. Nubian Christianity: The
Neglected Heritage. Africa Journal of
Evangelical Theology 4 (1): 3-23.
Ama halkan eeg:
http://earlyafricanchristianity.com/blog/post.php?s=2012-03-05-the-deep-roots-of-nubian-christianity
Braukämper, Ulrich. 1973. The Correlation of
Oral Traditions and Historical Records in Southern
Ethiopia: A Case study of the Hadiya/Sidamo Past.
J. of Ethiopian Studies 11 (2): 29-55.
Braukämper, Ulrich. 1988. The Islamization of
the Arssi-Oromo. Pp. 767-777 in Proceedings
of the 8th International Conference of Ethiopian
Studies, Ed. by Tadesse Beyenne. Addis Abeba:
Institute of Ethiopian Studies/Frobenius Institute,
Johann Wolgang, Goëthe Universitat.
Braukämper, Ulrich. 1992. The Sanctuary of Shaykh
Husayn and the Oromo-Somali connections in Bale.
Pp. 145-166 in The Proceedings of the First International
Congress of Somali Studies. Ed. by Hussein
M. Adam & Charles L. Geshekter. Atlanta:
Scholars Press. 923 p.
Braukämper, Ulrich. 1997. A Vanishing Socio-Religious
System: Fandano of the Hadiya. Pp. 314-326 in:
Vol. II of Proceedings of the XIIIth International
Conference of Ethiopian Studies, ed. by Katsuyosi
Fukui, Eisei Kurimoto, & Masayoshi Shigeta. Kyoto,
Japan.
Brown, Monty. 1989. Where giants trod.
The saga of Kenya’s desert lake. London,
Quiller Press.
431 p.
Burton, Richard F. 1987. First Footsteps in
East Africa, or, An Exploration of Harar.
Originally published in 1894, London: Tylston &
Edwards. Reprinted: Mineola, NY, USA: Dover
Publications. 276 p.
Cassanelli, Lee V. 1982. The Shaping
of Somali Society. Reconstructing the History of
a Pastoral People, 1600-1900. Philadelphia:
U. of Pennsylvania Press. 311 p.
Cerulli, E. 1923-25. Observations of the Muslim movement
in Somaliland. Translation from Italian. by P.A. Mankin,.
1959. Rivistia Degli Studi Orientali. Vol. 10.
Human Relation Area Files.
Freeman-Grenville, G.S.P. 1966. The East
African Coast. Select Documents from the first
to the early nineteenth century. Oxford: Clarendon
Press. Pp. 135-137.
Getachew Haile. 1984. Ethiopian Christian Captives
in the Territory of the Arämi. Pp. 113-119
in: Proceedings of the 7th International Conference
of Ethiopian Studies, 1982, Ed. by Sven Rubensen.
Uppsala Sweden. Scandinavian Institute of African
Studies.
Levine, Donald N. 1974. Greater Ethiopia.
Chicago: University of Chicago Press. 231 p.
Lewis, I. M. 1969. Peoples of the Horn of Africa.
Somali, Afar, and Saho. Ethnographic Survey of Africa,
North Eastern Africa. Part I. ed. D. Ford. London:
International African Institute. 177 p.
Naipul, V.S. 1998. Beyond Belief. Islamic
Excursions among the Converted Peoples. Vintage
International., NYC. 408 p.
Sergew Hable Selassie. 1972. Ancient and Medieval
Ethiopian History to 1270. Addis Abeba: Haile
Selassie I University. Pp. 225-232.
Schlee, G. 1994. Identities on the move. Clanship
and pastoralism in northern Kenya. Nairobi, Kenya:
Gideon S. Were Press, 278 p.
Taddesse Tamrat. 172. Church and State in Ethiopia.
Oxford: Clarendon Press. Oxford Studies in African
Affairs., General Editors John D. Hargreaves and George
Sherperson. 327 p.
Trimingham, J. Spencer. 1952. Islam in Ethiopia.
London: Oxford University Press.
Unseth, Peter. 1999. Hebrew Kush: Sudan, Ethiopia or Where? Africa Journal of Evangelical Theology 18 (2): 143-159.
|