1951—3 April 1996
Xaaji waxa uu markii taariikhdu ahayd 1951 ku dhashay meesha la yidhaahdo Gar-Adag
ee Gobolka Sanaag. Waxa uu ahaa nin deggan oo maskax badan isla markaasna jecel
inuu ka faa’idaysto wakhtiga uu firaaqada leeyahay. Marka aanu wax baraynin, waxaa
dabeecad u ahayd inuu wax akhriyo. Si badheedh ah ayuu isaga ilaalin jiray inaanu
wakhtigiisa ku luminin doodaha ku salaysan siyaasadda ee maqaaxiyaha lagaga doodo.
Degganaanshihiisa aawadeed, waxa lagu naanaysay "Xaaji" isagoo wiil yar ah, balse
weligiis muu booqanin magaalada Maka ee ku taalla carriga Sacuudiga.
Isagoo dhallinyaro ah ayuu Xaaji u guuray Muqdisho isla markaana wuxuu darajo
waxbarashada ah ka dhammaystay Kulliyaddii Lafoole. Wuxuu waxbaris ka bilaabay
deegaannada woqooyiga Soomaaliya, mar danbena wuxuu wax ka dhigay dugsiyo ku
yaalla koonfurta sida Qoryoolay iyo Kurtunwaarey. Muddo toban sano ah kadib markuu
macallinnimo ku shaqeeyay, Xaaji waxa loo doortay inuu waxbarashadiisa Master-ka ku
soo diyaariyo Jaamacadda Saskatchewan. Markuu ugu horrayntii yimid waddanka Kanada
sanaddii 1980, Xaaji wuxuu ka shaki qabay inay jirto diin sax ahi.
Si kastaba ha ahaatee, intuu Jaamacadda wax ka baranaayay, Xaaji wuxuu la kulmay kuwo
ka mid ah xerta taabacsan Ciise Masiix. Markhaatifurkooda awgiisna, waxa uu bilaabay
inuu akhriyo Kitaabka Quduuska ah taasina waxay u horseedday inuu rumaystay Masiixa.
Xaaji markii uu dib ugu laabtay Muqdisho sanadkii 1984, waxa uu borofisoor ka noqday
qaybta horumarinta tacliinta iyo manhajka ee kulliyadda Lafoole. Waxa kale oo uu ka
qaybgali jiray kulan caabudaad ah oo ay isugu iman jireen Soomaalida Masiixiyiinta ah
ee wakhtigaas ku noolayd Muqdisho. Sidoo kale Xaaji waxa uu iimaankiisa la wadaagay
kuwo ka mida qoyskiisa.
Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya sanadkii 1991 kaddib, Xaaji dib uguma
laabanin gobollada woqooyi ee uu ka soo jeeday balse wuxuu ku sii negaaday Muqdisho.
Wuxuu u shaqeeyay ururro kala gedisan oo qaabilsan gargaarka bini-aadannimo, gaar
ahaanna wuxuu kala shaqeeyay dhinaca waxbarashada. Sanadihii 1993 iyo 1994, Xaaji
wuxuu koorsooyin tababbar ah u aaday magaaladii Nayroobi labada jeerbana wuxuu dib
ugu laabtay Muqdisho si uu shaqadiisa ku aaddan waxbarashada halkaas uga sii ambo-
qaado.
Labadii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 1994, Xaaji wuxuu badanaa wakhtiyadiisa
gelinka danbe la qaadan jiray Liibaan Ibraahin Xasan maadaama oo ay xafiisyadoodu isku
meel ku yaalleen, waxayna falaqayn jireen mawduucyo la xidhiidha Kitaabka Quduuska
ah. Bishii Maarso 21, Xaaji wuxuu subax hore ku soo kallahay shaqada isagoo maqaaxi ku
dhow xafiiska fadhiyana, wuxuu arkayay Liibaan oo soo socda. Subaxdaas iyada ah Xaaji
wuxuu u soo taagnaa fal naxdin leh oo ahaa in niman madaxa duubani ay Liibaan hortiisa
ku dileen [halkan riix/guji si aad u akhrido taariikh-nololeedkii shahiid Liibaan].
Markii uu Xaaji seminaar kale u aaday Nayroobi dhammaadkii 1994, wuxuu tibaaxay inuu
si weyn uga walaacsan yahay ammaankiisa maadaama oo dhaqdhaqaaqa xagjirku uu ku
sii kordhaayay Muqdisho. Bishii Abriil 3, 1996, Xaaji Maxamed Xuseen waa la afduubay,
isla maalintii xigtayna waxa maydkiisa laga helay guri kharaab ah oo u dhow halka uu
gurigiisu ku yaallay.
Dhimashadiisii kaddib, xus isaga loogu sameeyay Nayroobi, waxa ka hadlay mid ka mida
Soomaalida Masiixiyiinta ah oo yidhi: "Waxa jiray wakhti aan jarribaad ku galay inaan
iimaankayga qariyo. Markii u danbaysay een isaga arkay, wuxuu igu adkeeyay inaanan
marnaba dafirin rumaysadkayga Masiixa. Imika, dhimashadiisa kadib, waxaan rabaa inaan
sidiisii oo kale geesi noqdo, haddii loo baahdana inaan u dhinto intii aan iska-dhigi lahaa
inaanan Masiixi ahayn."
Sidoo kale xuskan dhexdiisa, waxa isna ka hadlay qof kale oo sheegay in Xaaji uu labadii
bilood ee ugu danbaysay noloshiisa uu aad uga walaacsanaa hanjabaadaha kaga imanaayay
xagjirka. Sidaasoo ay tahayna, marka la eego noloshiisa ruuxi ahaaneed, wuxuu aad ugu
furnaa marag-furista, sidoo kalena si joogta ah oo xamaasad leh ayuu u tukan jirey. Waxa
jiray qof shaqo cusub u helay Xaaji, laakiinse waxa ay ahayd isla toddobaadkii la dilay.
Xaaji waxa uu ahaa Masiixigii Soomaaliyeed ee lixaad ee lagu dilo Muqdisho kadib
dhimashadii Liibaan Ibraahim Xasan ee 21 Maarso 1994.
Xaaji wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo dhab ah, isla markaasna aan oggolaanin
in cudurka qabyaaladdu uu saameeyo fikirkiisa iyo ficilladiisaba. Xitaa wuxuu sameeyay
mashruuc baadhitaan ah oo xasaasi ah kuna salaysan xidhiidhka qabaabi’lka sanadkii
1987, waxaana gacan siinayay shan qalinjebiyayaal ah oo kale. Baadhitaankooda
waxyaalihii ay ku heleeni waxay ahayd digniin cad oo ka digaysa khatarta qabyaaladda
iyo inay burbur ku keeni doontay ummadda Soomaaliyeed. Muddo dhan 25 sano kadib,
talo-bixintii uu Xaaji ku soo xidhay warbixintiisu waa mid ilaa maanta wax ku ool u ah
isla sidii wakhtigii uu qoray. Haddii la dhaqan-gelin lahaana, waxay gacan weyn ka geysan
lahayd heshiisiinta iyo dib-u-dhiska bulshada Soomaaliyeed.
Shaqadiisii xagga wax-barashada, Xaaji waxa uu ku muujiyay siduu u taabacsan yahay
waxbarista Sayid Ciise Masiix oo xertiisa u sheegay inay jaarkooda u jeclaadaan sida
ay naftooda u jecelyihiin oo kale, iyo in xitaa ay jeclaadaan cadaawayaashooda [Injiilka
sida Matayos u qoray 5:43-46]. sida Matayos u qoray 5:43-46]. Waxa intaas dheer, isagoo muujiyay sida iimaankiisa uu
ku qabo Masiixu uu uga yeelay muwaaddin wanaagsan, xataa haddii dawladdu dhacdo [Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadka Rooma
13:1-7]. [Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadka Rooma 13:1-7]. Xaaji wuxuu ahaa nabaddoon
sida uu Sayid Ciise Masiix ku tilmaamay Wacdintii Buurta dusheeda
[Matayos 5: 9-12].
Xaaji waxa uu ahaa nin is hoosaysiiya oo daacad uga hadla iintiisa. Sidoo kale wuxuu
rumaysnaa inay muhiim tahay inay barayaasha ama macallimiintu dadka saameeyaan
inta ay yar yihiin si loo arko is-beddel waxtar leh oo ka muuqda rumaysadka iyo
dabeecaddaba.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved