Kitaabka Quduuska ah wuxuu ka kooban yahay 66 kitaab oo isu tegay,
27 waa Axdiga Cusub. Kitaabka Axdiga Cusub waxaa qoray rasuulladii iyo xertii Sayid
Ciise Masiix, waxayna qoreen muddo 47 ilaa 90 AD. Asal ahaan, waa af-Gariig luuqadda
ay ku qoreen. Iyagoo isticmaalaya wixii Ilaah nebiyada ugu sheegay Axdigii Hore,
ee lagu fuliyey Axdiga Cusub, waxaana fuliyey Masiixa. Axdiga Cusub waa kitaabka
fulinta ama oofinta. Nebigii ugu dambeeyey ee sheega Ciise Masiix imaanshihiisa
wuxuu ahaa Yooxanaa Baabtiisaha ama Maquuriyihii [Yaxye]. Isaga ayaa Sayid Ciise
ku muujiyay wacdigiisii/yeedhitaankiisii oo sheegay in Masiixu yahay kala guurkii
Axdigii Hore, iyo Axdiga dambe. Nebi Yooxanaa wuxuu yiri: "Bal eega Wanka Ilaah",
(Injiilka sida Yooxanaa u qoray 1:29). Nebi Yooxanaa Baabtiisaha waa maragfurkii
ugu horreeyey. Markii Sayid Ciise uu arkay oo ugu horraysey, Yooxanaa Baabtiisihii
wuxuu caddeeyey in Ciise isaga ka sarreeyo oo ka weyn yahay.
Erayga "injiil" waa kalmed af-Carabi ah oo asal ahaan afka-Griigga ka timid; macneheeduna
waa akhbaar wanaagsan ama bishaaro. Akhbaartaas wanaagsan ayaa ah lafdhabarta Axdiga
Cusub. Axdiga Cusub waxaa lafdhabar u ah akhbaartaas farxadda leh oo ka badbaadinaysa
dadka oo dhan dembigooda, isla markaana u suurtaggelinaysa inay ka adkaadaan Shayddaanka.
Axdiga Cusub wuxuu leeyahay afar qaybood:
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved