Sida ay xaqiiqo u tahay in Ilaah keliyuhu jiro, sidaas oo kale waxaa
jira jid keliya oo Jannada lagu maro. Waa maxay jidkaasi?
- Ma baryo baa? Maya baryo ma aha.
- Ma ficilo wanaagsan baa? Maya, ficilo wanaagsan ma aha.
- Ma lacag la bixiyaa? Maya, lacag la bixiyo ma aha.
- Ma samaynta wixii kugu wanaagsan ee aad samaysaa baa? Maya, ma aha samaynta wixii
wanaagsan.
Haddaba waa maxay jidka jannada loo maro?
SAYIDKA CIISE MASIIX wuxuu yiri, ANIGA WAXAAN AHAY JIDKA. Ma isagaa ah jidka keliya?
Haa, Isagu waa jidka keliya ee jannada loo maro. Ma jiro mid qudha oo madaxda bin
aadamka ka mid ah oo ina tusayo jidka qudha ee jannada loo maro. Laakiin Ciise Masiix
oo qudha ayaa tilmaamayaa JIDKA KELIYA oo jannada loo maro. Isagu waa jidka. Haddii
aynaan Ciise Masiix raacin, inaga inaba jannada tagi mayno.
Waxaad goosan kartaa inaad raacdo jidka ku geynaya nolosha waligeed ah iyo jannada,
ama waxaad raaci kartaa jidka ku geynaya dhimashada iyo cadaabta weligeed ah.
Ilaah wuxuu doonayaa inaan doorto jidka taga nolosha weligeed ah. Shayddaanka wuxuu
doonayaa inaad dooratid jidka taga dhimashada weligeed ah. Shayddaankuna kuguma
qasbi karo inaad dooratid jidka cadaabta taga . Adigu waxaad leedahay ikhtiyaar.
Adigu waxaad dooran kartaa meeshii aad doonayso inaad aakhiro tagtid. Waa inaad
maanta doorataa. Haddii aadan sayid Ciise Masiix maanta dooran waxaad raaci doontaa
jidka cadaabta tago. Haddii aadan haddeer go'aan gaarin, waxaad dooratay dhimashada
weligeed ah. Waxaa suurtaggeli karta in aan ilaa berrito lagula sugin intaad go`
aan ka gaarayso. Waxaa suurtaggeli karta inaad dhimato.
"Waayo, wuxuu leeyahay, wakhti la aqbalay ayaan ku dhegeysatay, Oo maalintii badbaadinta
na ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa
maalintii badbaadinta."
- Warqaddii labaad ee rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 6:20
Sayid Ciise Masiix wuxuu iskutallaabta ugu dhintay dambigeenna aawadiis. Wuxuu ku
dhintay meeshii aad ka dhiman lahay, oo wuxuu qaatay ciqaabtaadii.
"Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse
waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday. Oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. Laakiinse
waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabarreeyay xumaatooyinkeenna,
edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.
Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo
Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan."
- Kitaabkii Ishacyaah 53: 4-6
Aqbal Masiixa kuu dhintay, oo waa inaad Ilaah ku tiraahdaa, "Anigu waxaan ahay dambiile,
oo waxaan galabsaday ciqaab. Waxaan hadda rumaystay in Ciise Masiix ii dhintay oo
uu dembi iga dhaafay. Hadda waxaan u aqbalay inuu badbaadiyahaygii yahay, oo waxaan
isku dayi doonaa inaan isaga u noolaado wixii hadda ka dambeeyo."
ILAAH KELIYA IYO JID KELIYA! Haa, waxaa jira Ilaah keliya oo run ah.
Waxyaalaha kale oo ilaahyada lagu sheego oo dhammi waa wada been.
Waxaa jira jid keliya oo run ah , oo jidadka kale oo idil waa wada been.
Aammin Ciise Masiix oo hubsana inaad ku taagan tahay ama aadayso jannada.
Ciise Masiix wuxuu yiri, "Kii ii yimaadaa ma eryi doono." - Injiilka sida
Yooxanaau qoray 6:37
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved