HORTA AYNU WADA HADALLO
Ereyo Ka Yimid Qoraha Buuggan
Weligaa ma doontay inaad ogaato wax ku saabsan waaya-aragnimadii nebiyada? Sidii
ay u dareemeen ama u ogaadeen baahida ay Ilaah u qabeen? Sidii ducooyinkooda looga
jawaabi jiray? Sidii Eebbe ugu yeeray uguna hoggaamiyey inay barako u keenaan banii-aadanka?
Markii aad dhammeyso koorsadan ku saabsan nebiyada kaddib, ayaad awoodaysaa inaad
ka jawaabto su'aalahan.
Waxaad baran doontaa noloshii nebiyada ay ka mid yihiin Nuux, Ibraahim iyo Muuse.
Waxaan u malaynayaa inaad daah furi doontid ama ogaan doontid runta ku saabsan nebiyadan;
runtaasoo noloshaada beddeli doonta.
Bal marka hore fiiro gaar ah aan siinno waxyaalaha aad u baahan tahay inaad ogaatid
sidii aad u baran lahayd, si guul lehna ugu dhammayn lahayd koorsadan.
Koorsadan waxay isticmaalaysaa hab waxbarasho oo casri ah, taasoo kaa caawinaysa
inaad si dhib yar u baratid qaynuunada isla markaana si degdeg ah ugu dhaqmi lahayd.
Bal aynu fiirinno waxbarasho hoggaamineedkan.
WAXBARASHO HOGGAAMINEEDKAAGA
Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada waa buug aan ku dhibayn qaadashadiisa, kaasoo aad
mar kasta sidan karto aadna akhrisan karto mar kasta oo aad wakhti firaaqo ah leedahay.
Isku day inaad samaysato wakhti aad ku akhrisatid buuggan maalin kastaba. Buuggani
wuxuu wataa leyligiisa.
Waxaad arki doontaa ulajeeddooyinka lagugu siiyey bilowga cashar kasta qaybta la
yiraahdo "Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...." erayga ulajeeddo ayaa buuggan
lagu isticmaalay, si aad u ogaatid waxa aad filayso inaad ku ogaatid waxbarashadaada.
Ulajeeddo waa muraad ama qasdi. Waxaad si fiican u baran doontaa haddii aad maskaxda
ku haysid ulajeeddooyinkaaga.
Hubi inaad si taxaddar leh u baratay labada baal ee ugu horreeya cashar kasta. Tani
waxay maskaxdaada u sii diyaarinaysaa waxa soo raaci doona. Dabadeed u baro casharka
qayb qayb adigoo raacaya tusaalooyinka ama tilmaan bixinta ku qoran bilowga Leyli
kasta. Haddii aad weydo meel ku filan oo aad ku qorto jawaabaha su'aalaha ku jira
barasho hoggaamineedka ku qor buuggaaga qorista, sidaas darteed dib ayaad u fiirin
kartaa markaad doonaysid inaad dib u baratid ama naqtiintid casharka. Kaddib markaad
dhammaysid jawaabaha leyli kasta, rog ama geddi dhammaadka casharka isuna fiiri
jawaabahaaga iyo kuwa kale ee lagu siiyey.
Dhammaadka cashar kasta waxaa lagugu siiyey Imtixaanka Casharka. Akhri tilmaan bixinta
lagu siiyey. Ka bacdi samee imtixaanka adigoo isticmaalaya BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA
JAWAABAHA, si aad ugu qortid ama ugu kaydisid jawaabahaaga.
BUUGGAAGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA
Haddii aad u baranaysid inaad heshid shahaado, waxaad heshay buug gaar ah oo cinwaankiisu
yahay BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA. Dhammee qayb kasta oo ka mid ah buuggan
marka lagu weyddiiyo dhammaadka cashar kasta. Waxaad ka heli doontaa tilmaanbixin
buuxda oo ah sida loo calaamadiyo waraaqda jawaabahaaga bogga labaad ee buuggan.
Haddii aad mar hore cashar kowaad si gooni ah u baratay waxaad buuxisay waraaq jawaabeed
gooni ah. Marka aad hadda ka jawaabtid casharka kowaad ee buuggan, waxaad u baran
doontaa naqtiin ahaan casharka 1aad.
Raac tilmaan bixinta lagugu siiyey BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA si aad
ugu dirtid macallinkaaga ICI-da ka tirsan ama xafiiska ICI ee ku yaal meesha kuugu
dhow. Cinwaanka ICI-da wuxuu ku qoran yahay baalka 1aad ee Horudhac ee ee buuggan
iyo baalka ugu dambeeya ee BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA.
SHAHAADADAADA DHAMMAYSTIRKA
Markaad dhammaysid koorsadan iyo shaqada warbixinta ardayga, u dir BUUGGAAGA ARDAYGA
EE WARBIXINTA JAWAABAHA macallinkaaga ICI-da ka tirsan. Kaddib markii la saxo ee
la ogaado inaad si fiican u baratay qayb kasta oo buugga ka mid ah ayaad helaysaa
Shahaado.
Eebbe ha kugu barakeeyo waxbarashadaada!
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved