Dad badan ayaa Masiixiyadda ka aamminsan khalad, waxaanay
u haystaan diin shisheeye oo ah diinta dadka reer
galbeedka sida Yurub iyo Ameerika. Run ahaantii,
Masiixiyaddu waxay ka soo bilaabantahay Bariga Dhexe,
oo faafitaankeeduna Afrika wuu kaga soo horreeyay
marka loo eego waddamada reer galbeedka.
Falimaha Rasuullada cutubka 8, waxaan ka
akhrin karnaa, madaxii ugu sarreeyay boqortooyadii
Nubiya oo ahayd woqooyiga waddanka Suudaan inuu noqday
Masiixi. Kiniisadda Masar ayaa iyaduna waxay bilaabantay,
in yar kaddib markii Sayid Ciise Masiix loo kor qaaday
samada. Sidoo kale kiniisadda Itoobiya ayaa
iyaduna waxay bilaabantahay 320-kii markii wiil yar
oo kasoo jeeday meesha maanta loo yaqaano Lubnaan
ay afduubeen qolo budhcad ahi, sidaasi darteedna
Frumentiyus waxa uu Masiixi ka dhigay Boqorkii Aksum.
Intaas kaddib, taariikh yahannada Carabta ayaa waxay
qoreen in kiniisadi ay ka dhisnayd magaalada Seylac
ilaa intii ka dambaysay sanadkii 1000-kii.
Qoraalladeennan ayaa haddaba waxa ay yihiin kuwo aannu
kaga sheekaynano kiniisadda Masiixa ee ummadda Soomaalida.
Sidoo kalena waxa ka mid noqon doona taariikhda kuwo
ka mida dadkii Soomaaliyeed ee Masiixiyiinta ahaa
ee dhintay maantana ku jira jannada.
|
Hosted by WinHost | © 2018 Nolosha Cusub - All Rights Reserved