Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Ku soo dhowaada Nolosha Cusub! Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  



QISADII NUUX, QAYBTII 2AD: DHISMAHA XIDHIIDHKA AAN ILAAH LA LEENAHAY WAA AXDIGIISA

Saaxiibayaal, waxaan ognahay in heshiisyada banii-aadanku gaadhaan ay mararka qaarkood xoog leeyihiin ama daciif yihiin. Mararka qaarkood dadku way fuliyaan ballammadooda, oo waxay qabtaan shaqooyinkii ay qaban lahaayeen. Mararka qaarkoodna way illoobaan oo way jebiyaan. Tanina waxay ka dhacdaa qaybo badan oo bulshada dhexdeeda ah.

Bal u fiirso inta niman iyo dumar is guursada, laakiinse marka dambe ballanqaadkii guurkooda jebiya oo is fura. Bal u fiirso inta baayacmushtar ee heshiis inta ay isla galaan marka dambe niyadjab la kulma marka uu burburo. Wakhtiyada dagaalka xabbad joojin ama heshiis nabad ah ayaa la kala saxeexdaa laakiinse inta badan [sida aan taariikhdeena ka arki karno] heshiisyadaasi way burburaan. Waddammadu waxaa laga yaabaa inay heshiisyo gaadhaan, oo gaashaanbuur noqdaan, laakiinse inta badan heshiisyadan la iskuma halayn karo.

Taariikhda Soomaaliya ee labaatankii sanno ee ugu dambeeyey ayaa tusaale u ah sida aan la isugu halayn karin ballanqaadyada banii-aadanka. Bal ka feker inta heshiis ee la wada saxeexday labaatankii sanno ee dagaalku jirey. Inkastoo aanan jeclay inaan siyaasadda jeclayn inaan saa u sii gudo galo haddana waxaan xasuustaa intaasoo dawladood oo kala duwan oo la soo dhisay. Dawladdii Cali Mahdi, tii Cabdiqasim Salaad, tii Cabdillaahi Yuusuf iyo tan hadda jirta ee Sheekh Shariif madaxda ka yahay, oo iyaduna burbur ku dhow.

Intaasoo dawladood ummada Soomaaliyeed ee dagaalka ka daashay rajo nabadeed ayay ku dhaliyeen, haddana way ku hungoobeen, taasoo keentay in dad badan oo Soomaali ahi ay maanta rumaysan yihiin in aan Soomaaliya weligeed nabad noqon doonin, oo ay u tabaabushaystaan sidii ay meeshaas uga qaxi lahaayeen. Maxaa keenay inay heshiisyadani jabaan? Maxay siyaasiyiiintu uga soo bixi waayeen ballamada ay ummadda Soomaaliyeed u qaadeen? Miyaanay xasuusan maahmaahda Soomaalida ah ee tidhaahda "Ballan daro waa diin daro."

Ilaahay sidaas ma sameeyo. Ilaahay waa awood weyn yahay, waana quduus. Ilaahay shar ma sameeyo, sidaa daraadeed ballamadiisa mar kasta waan isku hallayn karnaa. Aan ku noqono qisadii nebi Nuux. Daadkii kaddib markii Nuux iyo reerkiisii ay kasoo degeen doontii Ilaahay inuu dhiso si ay daadka uga badbaadaan, arrin la yaab leh ayaa dhacday. Aan akhrino Kitaabk koowaad ee Tawreeda Muuse oo la yidhaadho Bilolwgii, cutubka 9-aad:

“1 Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama. 2 Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga. 3 Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.4 Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa. 5 Oo hubaal dhiigga naftiinna waan weyddiin, oo waxaan weyddiin dugaag kasta iyo dadkaba, xataa nafta nin kasta walaalkiis waan weyddiin. 6 Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka. 7 Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa. 8 Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh, 9 Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya; 10 iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka. 11 Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono.

12 Oo Ilaah wuxuu yidhi,
Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta. 13 Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka. 14 Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda, 15 oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan. 16 Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga. 17 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.

Walaalayaal, bal tan ka fekera. Sharka banii-aadanka oo batay daraadeed ayaa Ilaahay dadkii oo dhan daad ku baabi'iyey. Ilaahay wuxuu nimcadiisa u fidiyey Nuux, xaaskiisii iyo saddexdoodii wiil iyo xaasaskoodii. Daadka kaddib Ilaahay wacad buu la galay Nuux kaasoo weli dhaqangal ah. Waxaan aaminsanahay in Ilaahay uu adduunka ilaalin doono, ilaa iyo wakhtiga dhammaadkiisa, markaasoo ah Maalinta Xisaabta.

Bal ka feker in Ilaahay tallaabada ugu horraysa qaado; tallaabadiisa ugu horraysa banii-aadanka ayuu axdi kula dhigtay. Axdigani wuxuu la xidhiidhaa axdigii uu hore ula dhigtay Aadan iyo Xaawa. Mar dambe waxaan arkaynaa inuu heshiiskaa cusboonaysiiyey, oo ina siiyey faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mid banii-aadanka dunuubtooda ka badbaadin doona, iyo silsiladaha xabsiga ah ee Shayddaanka. Ilaahay ballammadiisa wuu fuliyaa, halka ay banii-aadanka daciifka ahi aan mararka qaarkood taas illowno. Nebiyo ayuu soo diray si uu dadka u xusuusiyo inay iyagu ama inagu aan aamino in Ilaahay ballanqaadkiisa fuliyo. Waana sababtaa ta aanu Ilaah u amaani karo sidii uu u amaanay qoraagii Sabuurka 107 qoray:

“1 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, 
Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.
2 Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen,
 
Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,

Walaalayaal ha niyad jabina. Rajadiina Ilaahay ku xidha oo ogaada inuu Isagu weyn yahay, dhacdooyinka adduunkana uu Isagu maamulayo. Ta kale ogow inuu adduunka qorshe u hayo, laakiinse uu sidaasoo kale adna qof ahaan kuu garanayo oo qorshe kuu hayo. Ilaahay kuwa isku haleeyaa marna ma hungoobaan.

Nimcada Masiixu ha idinla jirto!



"Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo. "
--Kitaabkii nebi Ishacyaah [Isayos]33:2
WAXYAABAHA CUSUB EE WEBKAN LAGU DARAY

Bal eeg qayb cusub websaydkeenna. Halkan guji inaad daawan karta sawiiro qurxoon waddankeenna hooyo, isla marka dhegeysta qasiidada Alle-ammaan ah oo la yiraahdo "Guullow Ilaahow"